Qaadka iyo Shidaalka oo laga rarayo Suuqa Bakaaraha

Maamulka Suuqa Bakaaraha ayaa ka mamnuucay in lagu iibiyo bartamaha iyo geesaha Shidaalka iyo Qaadka.

Hadal uu siiyey saxaafada gudoomiyaha Suuqa Bakaaraha Axmed Nuurre Awdiini ayuu ku sheegay in aysan aqbali doonin wixi ka danbeeya maalinta Isniinta Qaad ama Shidaal lagu gudahayo gudaha suuqa.

“Waxaan u digayaa dadka qaadka ku iibisa Suuqa Bakaaraha, laguma gadi karo Isgoyska H/wadaag, Bakaaraha iyo kuwa jidka Sodonka, dhanka kale waa in Shidaalka laga raraa gudaha suuqa, waa in garaashyo la geliyaa oo la geeyaa meel banaanka ka ah jidka 30-ka,” ayuu yiri.

Dhan kalana Mr, Awdiini waxa uu siiyey ganacsatada wadooyinka dhistay in ay ku je jebiyaan qandaladahooda mudo laba maalin ah oo ay ugu danbeyso Isniinta.

“Laba maalin ayaan fursad siinay oo ay ugu danbeyso maalinta Isniinta waxaan u sheegeynaa in aan Katarbiil gelin doono meelaha qaldan ee ay hada daganyihiin,” ayuu yiri.

Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ka socday shalay iyo maanta howlo bur burin ah, iyadoona amaanka ay sugayaan ciidamo boolis ah.

Shidaalka lagu iibinayo gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa sababay tiro ka laba jeer gubashada suuqa taasi oo keentay qasaaro xoog leh oo maaliyadeed oo ku habsatay ganacsato fara badan.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. waa mihiiim in laga raro meesha lashreegayo iyo sooomaliya oodhan ama caalamka oo dhan in laga nadiifiyo aal kulaa jeermiska n waa dalka la haay waa isaga waan qurun bakhti wasakh jeermis waana ku mahasanyahay in uu qabtay intaa in uu uqabto shandaqiiqa ka fiicned dawlad buu dalkranyahaya noqon kaha haddioi laga qabto waxaas laga xsifsiyo khamriga waa ka da

Comments are closed.