Qaabkee loo qeybsaday xilalka maamulka Hirshabelle?

jowhar4Waxaa soo if baxaya heshiisyo qarsoodi ah oo si hoose loogu qeybiyay xilalka maamulka cusub ee lagu wado in loo dhiso Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.

Heshiiskan qarsoodiga ah ayaa dhigaya in madaxweynaha maamulka Hirshabelle loo doorto nin kasoo jeeda Beesha Xawaadle, Guddoomiyaha Baarlamanka waxaa loo qoondeeyay Beesha Gaaljecel halka Beesha Abgaal oo markii hore u sharaxneyd Madaxweynaha lagu qanciyay ineey qaataan Caasimadda iyo madaxweyne ku xigeen.

Dhinaca kale Beesha Gugundhabe oo kahor timid in Caasimadda laga wareejiyo magaalada Buulo-burte, ayaa iyagana lagu qanciyay ineey qaataan jagada Guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka.

Heshiiskan awood qeybsiga, ayaa waxaa kasoo shaqeeyay urur Goboleedka IGAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here