Qaabkee ayuu Mourinho ugu qanciyay Morata inuu kula soo biiro United

Ma ahan go’aan fudud in Real Madrid laga tago, balse Morata waxa uu doonayaa inuu helo meel uu muhiim ka yahay islamarkaasna uusan keydka ka galeen, waxaana uu go’aan ku gaaray inuu isaga tago Bernabeu kuna biro Manchester United.

Morata ayaa isniinta beri ah si rasmi ah ugu biiri doona United halkaasoo uu maamulo Mourinho oo ahaa macalinkii siiyay jaaniskiisi ugu horeeyay waagii uu ku sugnaa Real Madrid.

“Ii imaaw aniga, waxaad halkaan ka ahaan doontaa muhiim” sidaas ayuu Mourinho ku yiri alvaro Morata.

Mourinho ayaa isha ku haaya in xagaaga soo aadan uu United kula guuleeysto Koobka Horyaalka iyo Champion League.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here