Qaabkee ayuu Cosoble uga badbaaday shirqooladii “Villa-Somalia”?

cosobleMusharixiin badan ayaa la khaarijiyay oo ku fashilmay inay soo galaan Aqalada Baarlamaanka dowladda cusub ee Soomaaliya kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh ay qorshooyin u dejiyeen.

Liiska siyaasiyiinta iyo musharixiinta mucaaradka ah ee kooxda Damjadiid oo hadda ka badan 15 siyaasi oo caan ahaa, waxaan ka mid noqon oo dirqi uga badbaaday Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo muddo laba jeer ah ka badbaaday qorshe loo dejiyay si loo seejiyo kursiga baarlamaanka inuu ku soo laabto.

QORSHIHII KOOWAAD

Wuxuu ahaa mid lagu doonayay in beesha uu ka soo jeedo ee Wasangeli/Harti-Abgaal la siiyo Aqalka sare, taasoo ujeedkeedu ahaa in C/qaadir Cosoble oo u sharxanaa Aqalka hoose halkaas ku dhammaato rajadiisa.

Qorshahan ayaa noqon waayay mid farsamo ahaan dhaqan gala maadaama beesha ay madaxweyne ku xigeen ka tahay maamulka Hirshabeelle, waxaana ka hor yimid madaxweyne ku xigeenka Cali Guudlaawe, waxaana madaxtooyada ay ku qasbnaatay inay ka tanaasusho qorshahan.

QORSHIHII LABAAD

Kadib fashilkii qorshihii koowaad waxay mar kale loo diyaariyay qorshe kale oo dagaalka ugu weyni uu ahaa dhinaca dhaqaalaha, dagaalkan ayaa socday xilligii loogu talogalay muddo ka badan markii Musharax Muxiyadiin Jurus oo ahaa ninka ay wadatay madaxtooyada ku fashilmay dagaalkii dhaqaalaha iyo kasbashadii ergada beesha.

Kursigan ayaa la sheegay in marka la isku daro lacagta ku baxay ay ku dhowdahay Hal Milyan oo Doolar, iyadoo C/qaadir Cosoble uu noqday musharaxa kaliya ee dagaalka doorashada 2016 uga guuleysta madaxtooda Soomaaliya iyo kooxda Damjadiid.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ka mida ahaa musharixiintii doorashadii 2012 u tartamay kana helay codad fiican ayaa xilli dhexe ay isku dhaceen Xasan Sheekh wuxuuna hogaamiye u ahaa xildhibaanadii qoray mooshinkii koowaad ee ka dhanka ahaa madaxweynaha, laakiin waxay mar kale ka heshiiyeen siyaasadda.

Balanqaadyo madaxtooyada u sameysay C/qaadir Cosoble inuu noqdo madaxweynaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa isbedelay arrimo badan oo dhex maray labada nin dartood, waxayna ugu danbeyn xaaladu ku laabatay dagaalkii siyaasadeed oo dib u soo laabta.

Isha: Goobjooge

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here