Qaabka Su’aalaha loo weydiinayo W.A.Gudaha oo la faah faahiyay

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka Su’aalaha maalinka Axada ee soo aadan loo weydiin doono wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed.

Iyadoo amni darad ka taagan magaalada Muqdisho ay ahayd mid aad usoo kordheysay, ayaa dilalka iyo qaraxyada Su’aalo ku saabsan arintaasi laga weydiin doonaa wasiirka arimaha Gudaha iyo Amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed marka uu hortago Baarlamaanka Soomaaliya todobaadka soo aadan.

Xilibaan Cumar Macamuud oo katirsan Baarlamaanka wareysina siinayay mid kamid ah Idacadaha Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay ineey u dulqaadan waayeen marka ay wax dhacaan, madaxda doowlada ineey yiraahdaan kaliya “Waan ka xunahay” iyagoon qaadin wax talaabo kahor tag ama ka daba tag ah.

Xilibaanka ayaa sheegay in su’aalaha ay weydiin doonaan wasiirka arimaha gudaha marka uu horyimaado Baarlamaanka ineey noqon doonaan mid amaanka Muqdisho iyo dhibaatooyinka dilalka iyo qaraxyada ka dhacay wax laga weydiin doono wasiirka.

“Su’aalaha la weydiin doono wasiirka waxaa kamid ah Amni darad ka jirta magaalada Muqdisho iyo dagaal beeledyada soo laab laabtay ee Shabeelada Hoose, sidaan la wada socono maalmihii danbo Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal farabadan, qaraxyo iyo weeraro Hoobiyayaal ah” sidaa waxaa yiri Xilibaan Cumar.

Waxa uu xusay in Askarta aysan qaladka lahayn laakiin hogaanka ay hoostagaan Ciidamada aysan shaqadooda sidii la rabay aysan u gudan, waxaana uu ku taliyay in la shaqaaleysiiyo saraakiishii hore ee Ciidamada si amaanka magaalada iyo guud ahaan dalka loo xasiliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here