Qaabka ay xilibaanada u codeynayaan oo lagu dhawaaqay

Shirgudoonka baarlamanka ayaa goordhow xilibaanada usharaxay qaabka ay ugu codeeyanayaan musharaxa uu doonayo iyo shuruucda uu mari doono murashaxa.

Shirgudoonka ayaa hada warqadaha uqeybinaya xilibaanada,waxaana warqad walbo kuqoran shanta murashax ee u ee utartameysa Afhayeenka baarlamanka.

Sidookale shirgudoonka waxay sharaxeen inta wareeg ee loo baahanyahay iyo codadka loogu gudbayo wareeg walbo,wareega koowaad waxaa kasoo gudbi doona 4-ta musharax ee ugu codadka badan,hadii ay laba musharax isku cod noqdaana waxay ugudbi doonaan wareega 2aad,wareega 3aadna waxaa ugudbi labada musharax ee ugu codadka badan.

Dhamaadka wareega 3-aadna waxaa ku guuleeysan doona musharaxa cod dheeri ku guuleeysta tirada xubnaha baaralamanka ee codeysa.
Waxaa xusid mudan in hadii wareega kowaad uu halmusharax helo codad gaaraya 139 cod oo ah aqlabiyada xubnaha baarlamaanka ee codeeysan uu ku guuleeysan doono gudoomiyaha baarlamaanka,hadiise la waayo waxay noqon doontaa sidaan kor kuso xusnay.

Aqristayaasha sharafta leh wixii kusoo kordhana dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here