Qaab kee loo soo xulay Golaha Wasiiradda Faalo

Wasiirada cusub ee lagu dhawaaqey Raysulwasaare Saacid ayaa ka kooban tiradii ugu yarayd tan iyo intii Soomaaliya dowladnimada yeelatay. Arrintan oo marka dusha laga fiiriyo u muuqata mid soo dhoweyn mudan, lagana yaabo in ay tahay talo haboon, laakiin aan waqtigeedii la gaarin.
Dalka Soomaaliyeed waxaa uu maanta ku jiraa weli colaad iyo burbur.

Qaab kee loo soo xulayGolaha Wasiiradda Faalo ,Waxa ugu muhiimsan oo laga sugayaa dowlad walba oo xiligan dhalataa waa in ay dadka iyo dalka isku soo doweysaa dibna isugu soo celisaa.

Waxaa waajib ah in ay dowladu mar walba is xusuusiso in aysan laheyn
awood buuxda oo ay dhammaan dalka gacanta ugu hayso amarkeedana uu ka fuli karo dalka oo dhan.

Waaqica dhabta ah ee Soomaaliya ayaa ah in Somaliland, Puntland iyo Galmudgba ay isu maamulaan si ka madax bannaan dowladda dhexe.

Sidoo kale gobolada Jubooyinka ayaa qarka u saaran in ay sameystaan maamul isaguna gooni isu maamula sida ku xusan Dastuurka Federaaliga ah. Waxaa kaloo qorsho maamul-sameyn iyadana laga wadaa gobolada Jubooyinka Sare (Upper Jubba).

Magaalada Muqdishu iyo hareeraheeda inta ay Dowladu joogto waxaa
gacanta ku haya ciidamada AMISOM halka inta kale ee gobolada  Koonfureed ay weli gacanta ugu jirto Al-Shabaab.

Sidoo kale hadey maanta ciidamada AMISOM go’aansadaan in ay ka baxaan Soomaaliya, waa adag tahay in ay Dowlada Federaalka ah sii jirton mudo badan, waxaana dhab ah in aysan lafaheeda isu ilaalin karin. Ciidamada AMISOM ee dalka joogana kuma joogaan amar ay dowladda Soomaaliyeed ku keentey ee go’aankooda waxaa laga goynayaa meel ka baxsan dalka Soomaaliya.

Madaxweyne iyo Raysulwasaare wadan xaaladaas ku jira madax looga dhigay waxaa su’aalaha ay is weydiiyaan noqon karaan; sidii wadanka la isugu keeni lahaa? Sidii dadka Soomaaliyeed ee deegaanada kala duwan ku nool loo qancin karaa? Sidey dadka Soomaaliyeed oo dhan loo dareensiin karaa in ay ka wada qeyb-galaan dib isugu soo noqoshada dalka? Sidey isku aaminaan oo dowladnimada u wada difaacan lahaayeen oo ugu arki lahaayeen dowladooda?

Dhab ahaantii waxa ugu weyn ee Dowladda Federaaliga ah gacanteeda ku jiraa waa manaasibta siyaasadeed oo ay dadka ku soo jiidaneyso. Sababtoo ah Beel walba waxay dooneysa in ay ka dhex muuqato dowlada Soomaaliyeed. Hadaba hadii iyadii la beekhaamiyo waa qancintii
Soomaaliyeed oo la beekhaamiyey. Isu so dhowaanshihii dadka Soomaaliyeed oo lala bakhiiley.

Fursada kala sii fogaanshaha oo la badiyey. Go’aanka looga baahnaa Madaxweynaha iyo Raysulwasaaraha ayaa ahaa in ay dhanka isu soo dhoweynta dadka Soomaaliyeed u janjeeraan balse sida muuqata waa ay ka beyreen wadadaas.

Arinta labaad oo ay dadka Soomaaliyeed indhaha ku hayeen ayaa ah dadka loo soo soocey golaha wasiirada iyo in lagu keeney aqoon, hufnaan iyo culeys ay ku matali karaan dhammaan degmooyinka iyo gobolada Soomaliyeed. Waxa ay dadku u hanqal taagayaan waa in la helo
tayo mug weyn leh oo looga sabri karo koobista tirada.

Soomaalidu waa og yihiin in tirada oo yar aysan marwalba u dhigmeyn in tayaduna wanaagsan tahay.

Haddiise xaalku noqdo in lagu keeney urur-diineed laga wada tirsan tahay, qaraabakiil iyo dane dhaqaale, arintaasi waxey noqoneysaa mid dadku ku sii fogaadaan. Mana noqoneyso mid ka qarsoomi karta umada Soomaaliyeed oo dadku waa is wada yaqaanaan.

Inta ilaa iyo hada laga og yahay sida Wasiirada lagu keeney waa shaxdan soo socota;

Halka ka aqriso shaxda wasiirada, qaabka ay ku yiadeen

2 COMMENTS

  1. somaliya cadaalada way ka sii guuraysa eex iyo iyo koox jecleysina hari maayo waxaa iga talo ah inaan hoos loo eegin oo lala shaqeeyo waayo jiritaankii ummadnimo baa halis ku jira wixii qalad ahna wey saxmi doonaan insha allaah

  2. ASCwaxan salamaya dhaman umada somliyeed iyo madaxda iyo barlamanka somaliyed runti hadaan fikirkayga ku darsado waan ka soo horjeeda magacabida wasirada iyo sida loo soo xulay labadaba waana wax aan midho dhalayn ilahay talada hayna solon siiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here