Q.M oo ka walaacsan Waxbarashada Caruurta Somaliyeed

un-flagWarbixin cusub oo ay soo saartay Qm ayaa sheegeysa in 42% Caruurta Somaalida ay waxbarasho helaan halka 58% aysan waxbarsho heysan taasi oo lagu sheegay inay tahay heerka ugu hooseya ee waxbarsho la’aanta Caalamka.

Qm ayaa ka walaacsan in sidii loo baahnaa aan looga jwbin baahiyaha waxbarsho ee ka jira gudaha Somaaliya sanadkan 2014 iyadoo Dowladda ay sameysay Mashruuca Aada dugsiyada.

Waxaa la xiray labo Boqol oo kamid ah Schooladii loogu talagalay Barnaamijka aada dugsiyada dhaqaale la’aanta darteed kuwaas oo ku kala yaala Gobolada Banaadir Sh/hoose,Sh/dhexe iyo Gedo arintaasi ayaan au sabab ah waxbarasho la’aanta caruurta”sidaa ayaa lagu yiri warbixinta cusub ee QM.

Qm ayaa sheegtay in Howlgalka Ciidamada AMISOM iyo Dowladda Somaaliya ay ka bilaabeen Bishii March ee sanadkan ay sabab u noqdeen inay caruur badan waayaan waxbarashadooda.

Barnaamijka aad dugsiyada ee ay hirgalisay Xukuumada Somaaliya ayaa intiisa badan guul dareystay kadib markii mishara lasiin waayay 900-Macalimiin ah oo loogu talagaly inay waxbaraan 40,000 oo caruur ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here