Puyol oo seegaya koobka Qaramada Yurub ee Euro 2012

Tababaraha kooxda qaranka xulka Spain Vicente del Bosque ayaa ka naxay warka sheegaya in daafaciisa dhexe  Carles Puyol uu seegi doono koobka Qaramada Yurub ee Euro 2012.

Puyol oo ah kabtanka kooxda Barcelona isla markaana ah 34 jir ayaa ka mid ah raga ugu caansan xulka Spain, waxa uu safnaa kulanki ugu danbeeyey oo ay Barca 4-0 uga badisay Espanyol isaga oo dhameystay 90-ka daqiiqo.

Laakin haatan waxaa kusoo baxay dhaawac kasoo gaaray jilibka kadib ciyaarti todobaadki hore marki ay dhamaatay, waxaana tijaabooyin kala duwan oo la marsiiyey kadib lagu ogaaday inuu u baahanyahay qaliin.

War kasoo baxay Barcelona ayaa lagu xaqiijiyey in Puyol saalada qaliinka la saari doono 12-ka May oo ku beegan Sabtida soo aadan, iyadoo howlgalkaasina uu fulin doono doctor Ramon Cugat.

Waxa uu seegi doonaa kulanka ugu danbeeya horyaalka Spain ee La Liga oo ay Barcelona la ciyaari doonto kooxda Betis, sidoo kalana kulanka finalka tartanka Copa del Rey oo ay la ciyaari doonaan naadiga Athletic Bilbao, iyo tartanka Euro 2012 oo xulka Spain kaga qeyb gali doono bisha June.

Spain kulankeeda koowaad waxay 10-ka June la ciyaari doontaa kooxda qaranka Talyaaniga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.