Puntland:Faroole oo Agaasime Cusub u Magacaabay Hay’ada Nabad Sugida

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Puntland, C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole, ayaa agaasime cusub loogu magacaabay hay’ada sirdoonka Puntland, oo marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano “PSS” ayaa loo magacaabay nin lagu magacaabo C/raxmaan Yuusuf Faarax.

C/raxmaan Yuusuf Faarax, ayaa xilkaan loo magacaabay kadib markii laga qaaday Agaasimihii hore ee PSS-ta Puntland C/wali Cawaale, kaasoo labadii sano ee lasoo dhafay Agaasime u ahaa hay’ada Sirdoonka ee maamulka Puntland.

Tallaabadan ayaa lagu sheegay ineey kamid tahay isbadalada lagu sameeynayo saraakiisha Ciidanka maamulka Puntland, waxaana horay xil kaqaadis loogu sameeyay taliyaasha guud ee Booliska iyo kuwa Milatariga.

Agaasimaha Cusub ee uu hada magacaabay Faroole, ayaa horay uga tirsanaan jiray ama uu xilal Ciidan kasoo qabtay Xukuumadihii KMG ahaa ee dalka Soomaaliya soo maray, gaar ahaan waxa uu wasiir kuxigeenka tamarta iyo batroolka kasoonoqday Xukuumadii Maxmed C/laahi Farmaajo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here