Puntland oo yeelatay dastuur cusub

Ergooyinka ka qeybgalaya shir weynaha looga hadlayey dastuurka cusub ee Puntland ayaa si weyn ugu codeeyey, iyadoo lasoo gaba gabeeyey munaasabad loo sameeyey ansixinta.

Ergooyinka oo gaarayey in ka badan 400 oo xubnood ayaa ka kala yimid gobolada ay ka koobantahay Puntland, waxaana goob joog ka ahaa madaxda maamulkaasi iyo wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya.

Xubnaha ansxiyey ayaa gaaraya 472 ruux, halka ay diideen lix qofood oo qura, sidaasi daraadeed dastuurka cusub ee maamul goboleedka Puntland si aqlabiyad leh ayaa loo ogolaaday.
Ansixinta dastuurka ayaa waxay u dhacday sidan:-

Bari 92Haa/ 1Maya
Punsaa 5 Haa
Qurbe-joogta  5 Haa
Dowlada 99 Haa /1Maya
Mudug 51Haa/ 2 Maya
Nugaal 53 Haa
Sanaag 84 Haa/ 2 Maya
Sool 83 Haa

Ansixinta dastuurkaan ayaa kusoo beegmay xilli dowlada FKMG Soomaaliya ay diyaarineyso ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya, kaasi oo lagu wado in loo fadhiisto 15-ka bishan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.