Puntland oo xustay sanadguuradii 14-aad ee kasoo wareegtay marki la aas aasay(Sawiro)

Aas aaska doowlada Puntland ayaa Maanta oo taariqda ku beegan 1/8/2012 oo lo yaqaan 1da agoos waxaana Xaflad manta ka dhacady faras magaalaha Barxada Garoowe ayaa waxaa soo bux dhaafiyaya dadweyne aad utiro badan waxaan ay iskugu jira rag iyo dumarba waxan fantasiyaha uu bilaabmay hiirta waabari waxaana halaaski socod dheer ku soo maray ugu horeen ciidamada Maamboyda Cimadada Daraawishta Ciidamada Bada Ciidamada Fardooleyda Ciimadama Asluubta iyo,Ardayda Jamacadah,Ardayda iskuulada,Ururada Hawenka iyo kuwa dhalinyaradaiyo kooxaha Spotriga Gobalka Nugaal.

Dhinaca kale Masuuliyinta ka soo qeyb gashay Damaashadkan ayaa waxaa ugu sareeyay Madaxwenaha Maamulka Puntland Dr:C/raxamaan Shiikh Maxamuud (Faroole) iyo golhiisa wasiira xildhibaano iyo Marti sharaf kale intaasi kadibTaliye kuxigeenka Ciidanka Daraawishta Puntland ( Korneel Deer ) Cabdi oo ogolaasho weydistay Madaxwenaha Maamulka Puntland Dr Faroole in uu soo hor marsiiyo Cutubyada kala duwn oo u diyaar ah in ay ka qeb qaatan Dabaal daga xafladan.

Damaashadkaasi kadib ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Madaxweynaha Puntland Dr Cabdi Raxamaan waxaan uu uga mahadceliyay dadweynihii iskugu soo baxay Maamuska Xaflada Ka soo waregtay asaaskii Maamulka Puntland mudo laga jogo 14 sanao sidoo kale waxa uu madaxweynaha u mahad naqay ciidamada qalabka sida ee Puntland.

Waxaa kale oo jiri donta Xaflada weyn oo lagu qaban doono caawa aqalka Madaxtooyada Maamulka Puntland oo logu dabaal dagi doono Xaflada 1da agoosto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here