Puntland oo Xukuno ku riday 78 Bad-maaxayal dalka Iiraan u dhashay & 12 Soomaali ah

Maxkamada darajada 1aad ee Puntland ayaa maanta Xukuno kala duwan ku riday 78 qof oo u dhashay dalka Iiraan, iyo 12 Soomaali ah oo hubeysan oo ilaalo u ahaa kuwa Iiiraan.

Dadkaan ay maanta xukuntay maxkamada darajada 1aad ee Puntland, ayaa lasocday 5 doon oo si sharci daro ah Xeebaha Puntland uga Kaluumeeysanayay.

Wasiirka warfaafinta Isgaarsiinta iyo Hidaha iyo dhaqanka Puntland, Injineer Maxamed Ceydiid Dirir, ayaa warbaahinta Xukunkaan uga warbixiyay, waxaana uu sheegay in 5 doonyood, doon walbaba la ganaaxay lacag dhan 100,000$ oo ay dadka iska leh ku bixinayaan 45 maalmood gudahooda.

Waxa uu wasiirka sheegay in hadii ay milkiilayaasha leh doomahaas bixin waayaan lacagta lagu ganaaxay, uu maamulka Puntland la wareegi doono doonyahaas sida uu sharciga qabo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in 5ta Kabtan ee waday doonyahaas midkiiba la ganaaxay lacag dhan 5,000$, halka 78 badmaax ee doomahaas la socdayna midkiiba la xukumay 2,000$ oo ay ku bixinayaan 45 maalmood gudahooda, hadii ay bixin waayaana waxa uu sheegay Injineer Maxamed Ceydiid in xabsi u dhigma loogu badali doono.

Wasiirka ayaa sheegay in doomahaan lasoo qabtay iyagoo si sharci daro ah uga Kaluumeeysanaya meelaan ka fogeen Xeebaha Puntland, sidoo kalena markii lasoo qabanyay lala soo qabtay iyagoo wata Kaluun aad iyo aad u farabadan.

Dhanka kale, wasiirka ayaa sheegay in 12 nin ee Soomaalida ah lana socday doomahaas la ganaaxay lacag dhan 1,000$ midkiiba, hubkii ay wateena laga qaaday.

Sanidihii danbe ayaa Xeebaha Soomaaliya, waxaa si xoogan ugu soo badanayay Kaluumeeysiga sharci darada ah, tallaabadaan ay maanta Puntland qaadayana waxay tahay tii ugu horeysay oo nuucaan ah, islamarkasna lagu maxkamadeeyay Badmaaxayaal iyo doonyo ajaanib ah, oo ay kal sii horeysay gacanta kusoo dhigeen Ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here