Puntland oo xukun ku riday kalluumeysato Iran u dhalatay

Maamulka Puntland ayaa maanta ganaax lacageed oo dhan ku dhowaad 700 kun oo dollar ku riday 81 qof oo kaluumaysato reer Iraan ah iyo shan doonyood oo ay wateen oo bishii hore 23-keedii lagu qabtay xeebaha Soomaaliya iyaga oo si sharcidarro ah u kalluumaysanaya.

Maxkamaddu waxay kaloo xukunno ganaax ah ku riday 12 nin oo Soomaali ah oo iskaashi la sameeyey kalluumaysatada reer Iran.

Guddoomiyaha Maxkamada darajada 1aad ee Bossaso Shiikh Aadan Axmed ayaa ku dhawaaqay xukunka ragan ka dib markii uu dhageystay eedaha loo soo jeediyey ,waxana ay maxkamadayntoodu ka dhacday gudaha Xabsiga wayn ee Bossaso.

Doonyaha sida sharci darada uga kaluumeysanayey xeebaha Puntland oo gaaraya ilaa 5 dooni ayaa lagu xukumay mid walba $ 100,000 kun oo ganaax ah, waxaana loo qabtay in ay ku bixiyaan 45 cisho gudahooda ,hadii kalese maamulka Puntland ayaa la wareegi doonta.

Shanta kalluumesata ee waday doonyahan ayaa lagu xakumay iyana mid $5 kun hadii ay bixin waayaan badalkooda xabsi ayay galayaan ,halka badmaaxayaasha kale oo gaarayay 70 lagu riday mid $2 Kun sidoo kale xabsi loogu badalayo hadii ay bixin waayaan ganaaxan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com


 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here