Puntland oo xakuno dil toogasha ah ku filisay laba wiil oo ka tirsanaa Al Shabab

Maamul goboleedka Puntland ayaa xakun dil toogasha ah ku fuliyey laba wiil oo ka tirsanaa Shabab oo lagu helay danbiyo dilal ah.

Xeer ilaaliyaha guud ee maamul goboleedka Puntland Mohamud Hassan Aw’Osman ayaa u sheegay wariyaasha isaga oo ku sugan magaalada Garowe in labada nin lagu dilay rasaas kadib marki ay maxkamada ku xakuntay dil toogasha ah.

“Labada nin waxaa lagu soo eedeeyey danbiyo argagaxiso labaduna wey qirteen, sidaa waxaa yiri Mr Aw Osman oo soo bandhigay filim laga duubay iyaga oo qiranaya danbiyada ay galeen.

Labada nin ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Abdullahi Abdulle Iman iyo Osman Abdi Gabow, labaduba waxay kasoo jeedaan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya sida ay sheegayaan saraakiisha amaanka.

Cabdulaahi Iman ayaa waxaa lagu helay danbiga ah inuu dilay laba nin oo kala ahaa sarkaal boolis iyo oday dhaqameed, ninka labaad Gaaboow waxa uu qirtay inuu dilay shan ruux oo ay ay ku jireen sadex sarkaal oo booliska Boosaaso ka tirsan.