Puntland oo War Adag kasoo Saartay Doomaha laga Leeyahaya Dalka Iiraan

Wasiirka Wasaarada kaluumeeysiga Puntland Axmed Faarax oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa wuxuu sheegay in doonyaha laga leeyahay dalka Iiraan aysan marnaba ay imaan karin xeebaha maamulka Puntland.

Wuxuu sheegay in doomaha laga leeyahay dalka Iiraan ay marwaliba kusoo xadgudbaan xeebaha maamulka Puntland sida uu sheegayna wasiirka halkaasi ay ka geestaan gurashada qeyraadka xeebaha Puntland.

“Marnaba xeebaha deeganada maamulkeena masoo istaagi karaan doon laga leeyahay dalka Iiraan ciidmada ammaanka xeebaha waxaan siinay amar cad oo ku saabsan doomahaasi” Ayuu yiri wasiirka.

Isaga oo  hadalka siiwata ayaa wuxuu sheegay in doomaha yimaada xeebaha Maamulka Puntland ee laga leeyahay dalka Iiraan ay gaarayaan ilaa 100-doomood kuwaasi oo dhamaantood si sharci daro ah uga kaluumeestaa xeebahaasi.

Hadalka Wasiirka ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo ay jiraan doomo badan iyo markiib ku sugan xeebaha dalkeena Soomaaliya ay ka gurtaan qeyraadka kala duwan ee halkaasi ku aasan si dalkooda ay ugu anfaacsadaan.

Shalay ayeey aheyd markii Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed faroole uu booqasho ku tagay Dekada Magaalada Boosaaso islamarkaana uu sheegay in dib udhis lagu sameynayo Dekada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here