Puntland oo soo Bandhigtay Dhalinyaro kasoo Goosatay Al Shabaab

Wasaaradda amniga ee maamulka Puntland ayaa magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay dhalinyaro kasoo goosatay shabaabka ku jira buuraha Galgala ee gobolka Bari.

Cabdi Jamal oo ah wasiir ku xigeenka koowaad ee wasaarada amniga maamulka gobboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegay in labo dhalinyaro ah ay maanta ku soo bandhigeen Boosaaso kuwaasi oo ka soo goostay Al-Shabaab.

Cabdi Jamaal ayaa xusay in wiilashaani ay ku biireen Dagaalyahanada Al-Shabaab ee Buuraleyda Galgala hadana ay ogaadeen waxa ay yihiin kana soo goosteen maanta ay la joogaan walaalahooda Puntland.

Ugu dambeyntii wasiir kuxigeenka amniga Puntland ayaa ugu baaqay dhalinyarada kale ee ku sugan Buuraleyda Galgala in ay kasoo baxaan rafaadka kuna soo biiraan walaalahooda maamulka Puntland.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here