Puntland oo qabatay rag ka tirsan Al Shabab

Booliska magaalada Garoowe ayaa xiray ilaa iyo 12 dhalinyara ah oo looga shakisanyahay in ay ka tirsanyihiin Al Shabaab kuwaasi oo la qabtay iyaga oo si dhuumaleysi ah ku galaya magaalada.

Taliyaha saldhiga booliska Garwwe laba xidigle Adan Muse Jaamac ayaa u sheegay wariyaasha in ragaan ay ku wadaan baaritaano, iminkana ay hayaan cadeymo muujinaya in ay Al Shabaab yihiin.

“Waa ilaa iyo dgowr ruux, baaritaan baa socda, wey kala hadlayaan oo marba waxbeey kuu sheegayaan magaaladana aqoon uma lehan, shakiga waxaa keenaya ma yaqaanaan meel ay ka yimaadeen iyo meel ay u socdaan, waxay noo sheegeen dad la xakumay in ay isu dhawyihiin telfoono laga soo wacayna wey wataan, hadii ay ku cadaato in ay Shabaab yihiin waa la tooganayaa,” ayuu yiri.

Booliska ayaa sheegay dhalinyaradaasi in ay ka yimaadeen deegaano ku yaala Bay iyo Bakool oo ay dowlada KMG ah dhawaan qabsatay waxaana ka mid ah Qansax dheere, Xawaal-baraki, Goofgaduud iyo meelo kala duwan.

Dhawaan madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa ka digay in Al Shabaab ay doonayaan in ay si dhuumaaleysi ah kusoo galaan Puntland marki laga soo qabsaday deegaano ka tirsan koonfurta Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.