Puntland oo qabatay burcad badeed mudo la raadinayey

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen rag ka tirsan burcad badeeda Soomaalida oo ay baadi goob ugu jireen.

Howlgal ay ka fuliyeen shalay galab ciidamada amaanka deegaanka Xaafuun ee gobolka Bari ayey kusoo qabteen ilaa iyo lix ka mid ah burcad badeeda kuwaasi oo isla shalay la gaar siiyey Boosaaso.

Taliyaha ciidanka booliska Boosaaso, Cusman Xasan Cawke ayaa u sheegay wariyaasha in haatan la baarayo kadibna lagu wado in maxkamad lasoo taago, hase yeeshee qaar ka mid ah dadka lagu eedeynayo burcad badeeda oo warbaahinta la hadlay ayaa ku adkeystay in ay yihiin dad rayid ah.

Puntland ayaa dagaal dhab ah ku qaaday burcad badeeda iyada oo iska tir tireysa eedeymo ay warbaahinta caalamiga ah ku shaabadeysay oo ah in maamulkaasi uu la qaraabto burcad badeeda.

Tan iyo sanadki 2011 waxay laba laabtay dagaalka burcad badeeda, waxaana haatan ku jira xabsiyada dad badan oo la xakumay oo lagu helay danbiyo la xiriira burcad badeednimo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.