Puntland oo mamnuucday in hubka lagu dhex qaato Garoowe

Puntland oo mamnuucday in hubka lagu dhex qaato Garoowe
Puntland oo mamnuucday in hubka lagu dhex qaato Garoowe

Taliska Ciidanka Booliska ee Puntland, ayaa waxa uu si adag uu kaga digay in hubka lagu dhex qaato Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Maamulka Puntland General Maxamed Saciid Janaqaf, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in ay mamnuuceen in hubka lagu dhex qaato Magaalada Garoowe.

Taliyaha, ayaa sheegay in qofka uu doono ha noqdeen aanu wax hub ah ku dhex qaadan karin Magaalada Garoowe, haddii ay taasi dhacdana ay tallaabo ka qaadi doonaan.

“Waxaan mamnuucnay hubka magalada lala dhexmaro cid kasta ha noqoto, cidii lagu arkaa tallaabo Sharci ah, ayaa laga qaadi doonaa.” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska ee Puntland.

General Janaqaf, ayaa xusay in ay dad u soo qab qabteen, iyagoo hub ku dhex sita Magaalada Garoowe, wuxuuna intaa raaciyay in habeen iyo dharaarba, uu hubku mamnuuc ka yahay Magaalada Garoowe, sida uu yiri.

“Ilaa iyo hadda dad badan baa la qab qabtay oo hub watay, waxaana habeen iyo maalin ka mamnuuc ah in hub lagu dhex qaato Magaalada Garoowe. Si loo adkeeyo amniga caasumadda, maadama doorashadii laga baxay” ayuu sii raaciyay General Janaqaf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here