Puntland oo kasoo horjeesatay in Ciidamo DF ka socda la geeyo Gaalkacyo

gaalkacyoWasiirka ayaa sheegay in Puntland aysan marnaba aqbali doonin in Ciidamo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya la geeyo Magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay hayaan Cadeymo muujinaya in Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka tahay dagaalka ka soconaya Gaalkacyo islamarkaana ay taageereyso Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Deegaanka ee Maamulka Puntland Cali C/llaahi Warsame ayaa beesha Caalamka ugu baaqay in ay soo fara geliso dagaalada ka soconaya Gaalkacyo.

Shalay ayay ahayd Markii Saraakiisha Ciidanka Puntland ay soo bandhigeen Ciidamo ay ku sheegeen in ay ku qabteen dagaal oo ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here