Puntland oo ka warbixisay dagaalo ka dhacay Boosaaso (WAR SAXAFADEED)

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay maamulka Puntland waxa xaley dagaalo ay ka dhaceen meel ku dhow magaalada Boosaaso ee gobalka bari.

Dagaalka oo u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada ammaaanka Puntland ayaa faah-faahin dheeri ah aan laga heynin.laakin Puntland waxa ay lee dahay ciidamada maamulka Puntland waxa ay iska caabiyeen weerar ay soo qaadeen kooxda argagaxisada Al Shabaab/Al Qaeda habeenkii xaley ay soo qaadeen.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Ciidamada Puntland ay dileen 3-nin ayna dhaawaceen 5-kale oo ka tirsanaa kooxdii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Weerarkaasi ayaa dhacay abaare 10:30 habeenimo meel magaalada Boosaaso kaga beegan 40km dhanka koonfur-galbeed, iyadoo Ciidamada Puntland oo ilaalo ka haya agagaarka Buuraleyda Galgala ay iska caabiyeen ayna baacsadeen argagaxisadii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday.

War saxaafadeedka ayaa waxa kaloo lagu sheegay in hal askari oo ka tirsanaa Ciidamad Puntland uu ku dhintay weerarkaasi.

Dhanka kale, ciidamada ammaanka maamulka Puntland  ayaa shaley qabtay nin ka tirsan kooxda Al Shabaab isagoo dhulka ku aasaya bambo sida lagu sheegay war-saxfaadeedka.

Xogta sirdoonka ayaa cadaynaysa in kooxda argagaxisada Al Shabaab taageero dhaqaale ay ka hesho lacagaha madaxfurasho ay qaataan burcad-badeeda, iyadoo burcad-badeeda ay xiriir toos ah la leeyihiin kooxda Al Shabaab oo jab militari iyo burbur dhaqaale soo foodsaartay muddoyinkii dambe.

Dowladda Puntland ayaa si wayn u cambaaraynaysa lacagaha madaxfurasho ay qaataan burcad-badeeda waxayna Dowladda Puntland ugu baaqaysaa Beesha Caalamka in si degdeg ah loo joojiyo bixinta lacagaha madaxfurasho oo taageero dhaqaale u ah kooxaha burcad-badeeda iyo argagaxisada Al Shabaab.

Waxaa la rumaysan yahay in weerarada argagaxiso ay kooxda Al Shabaab kusoo qaado Shacabka iyo Dowladda Puntland ay ku lug leeyihiin xaalado siyaasadeed oo Soomaaliya gudaheeda ah.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo saldhigyo waaweyn ku leh buuraha Galgala ee gobalka Bari.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com