Puntland oo ka hadashay isku biiristi Maleeshiyada Sheekh Atam iyo Al Shabaab

Maamulka Puntland ayaa ka hadlay isku darsamida maleeshiyada ka dagaalanta Buuraha Galgala ee uu hogaamiyo Sheekh Maxamed Sacid Atam iyo Xarakada Al Shabaab.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland Axmed Cumar Xirsi oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in awalba uu Al Shabaab ka tirsanaa Sheekh Atam, iminkana aysan waxba kusoo kordhin doonin.

“Awalba Al Shabaab buu ahaa oo nin la yaqaano ayuu ahaa, waxa weeye taariikhdiisa waa la yaqaanaa wuxuu ahaan jiray nin duurka ku jiro oo Al Shabaab ah,”

Mar wax laga weydiyey wal walka ay ka qabaan warki kasoo baxay Al Shabaab ee ahaa in ay beegsan doonaan howlaha shidaal qodista Dooxada Dharoor, ayuu sheegay in taasi aysan wax cabsi ah ka qabin.

“Kama cabsi qabno arrimaha shidaalka waxaasna wax jira ma ahan, deegaanadi ay daganaayeen iyo meelihi ay wax ku xukumi jireen ayeybka isaga baxeen Al Shabaab, xitaa hadii ay xeelad dagaal uga baxeen xageey aadayaan, waad ogtihiin shirki London lagu ogolaaday in cirka laga garaaco nimankaan Al Qaacida sheegtay ee Al Shabaab ciidamada AMISOM iyana la badiyo, marka nimanka xaalkooda waa liita waxayna la,yihiin meel ay aadaan,” sidaa waxaa yiri Mr. Xirsi.

War kasoo baxay maanta dagaalyahanada Maxamed Saciid Atam ayaa lagu sheegay in ay ku biireen ururka Al Shabaab oo isna dhawaan la midoobay urur weynaha Al Qaacida.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.