Puntland oo Iclaamisay Dagaal ka dhan ah Al Shabaab

jjjjTaliyaha Guud ee Ciidamada Daraawiishta Dawlad Gobolleedka Puntland Generaal Siciid Dheere oo saxaafada la hadlayey ayaa waxa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Siciid Dheere inay qorsheynayaan wajigii 3aad ee dagaalka lagula Jiro Al Shabaab ay bilaabayaan dhawaan taasi oo lagu doonayo in Al Shabaab lagu tir tiro.

Taliye Siciid Dheere ayaa sheegay inay been abuur tahay wararka sheegaya in ciidan Cadaan ah ay ka bar bar dagaalamayeen markii ay dagaalka kula jireen Al Shabaab Deegaanada dhaca Buuraha Caal Madoow (Buuraha Gal gala).

Hadalkaan ayuu jeediyey Siciid Dheere xilli isaga iyo madax katirsan Puntland ay kasoo laabteen Buuraha Gal gala oo ay kormeer ku tageen fariisimihii ugu dambeeyey ee Shabaabka kusugan Puntland kala wareegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here