Puntland oo gacanta ku dhigtay nin la dhashay Maxamed Saciid Atam

Wasiirka amniga Puntland Qaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay soo qabteen wiil la dhashay wadaadka dagaalka kula jira Puntland Maxamed Saciid Atam.

Ninka la qabtay oo lagu magacaabo Axmed Qeys Saciid Atam ayaa la sheegayaa in lagu qabtay howlgalo ay ciidamada Puntland ka sameeyeen deegaan 40-km u jira magaalada Boosaaso.

Shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Garoowe ayuu sheegay Mr Khaliif in ay u suura gashay in ay qabtaan waxa uu ku tilmaamay mid ka mid ah saraakiisha Al Shabaab ee Puntland.

Waxa uu tilmaamay in Axmed Qeys Saciid Atam ay ka heleen xog kala duwan, waxa kale oo uu sheegay in wali ay wadaan baaritaano kale iyo wareysi ay ku hayaan mas,uulkaan ay qabteen.

Dhanka kalana warar aan saakay ka helnay magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in dagaal xoog leh uu xalay ka dhacay deegaan u dhaw magaalada Boosaaso.

Dagaalkaasi ayaa ka danbeeyey marki maleeshiyada Sheekh Atam ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada Puntland ku lahaayeen buuraha Galgala.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka, hase ahaatee wararka ayaa sheegaya in ay gacanta ku dhigeen deegaanka dagaalku uu ka dhacay maleeshiyada Sheekh Atam.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.