Puntland oo gacanta ku dhigtay doomo si sharci darro ah u Kaluumeeysanayay

Ciidamada ilaalada bada Puntland, ayaa gacanta ku dhigay 5 doonyood oo laga leeyahay dalka Iiran iyo 78 shaqaale oo saarnaa, kuwaasoo si sharci darro ah uga kaluumeeysanayay biyaha xeebaha Boosaaso ee Puntland.

Sidoo kale doomahaan ay qabteen Ciidamada Ilaalada xeebaha Puntland, ayaa waxaa saarnaa 12 Soomaali ah, kuwaasoo ilaalo ka ahaa watayna hubka fud fudud.

Taliyaha Ciidamada badda Puntland Kormeyl C/risaaq Diiriye Faarax, ayaa saxaafada u sheegay in doomahaas ay si sharci daro ah uga kaluumeeysanayeen xeebaha Puntland, islamarkaasna ay shalay kusoo qabteen howlgal aan cidina ku dhiman, inkastoo ay iska caabin sameeyeen ilaaladii saarneyd doomahaas.

“5 doomood oo ka kaluumeeysanayay inta u dhaxaysa koow ilaa iyo Ceelaayo , doomahaana waxaa laga lahaay wadanka iiraan” ayuu yiri taliyaha Ciidamada badda Puntland.

Taliyaha ayaa dhanka kale sheegay ineey sanidihii danbe isa soo tarayeen cabashooyin ka’imaanayay kaluumeeysatada Soomaalida, kadib markii ay doomahaas waxyeeleeyeen qalabkii kaluumeeysiga iyo wax soo saarkii kaluumeeysiga oo ay Xaalufiyeen.

Gudoomiyaha iskaashatada gobolka Bari, Maxamed Cabdi Cismaan ayaa si diiran usoo dhaweeyay howlgalka Ciidamada badda Puntland ay kusoo qabteen doomaha kaluumeeysiga ee laga leeyahay dalka iiraan, waxaana uu sheegay in badaha Puntland ay kujiraan doomo iyo maraakiib Jariif ah waxyeelana u geysta howlgalkooda Kaluumeeysi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here