Puntland oo doowlada ka dalbatay in wax ka siiso deeqaha Caalamka ka yimaada

Xili maalinimadii shalay uu wasiirka arimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed, uu gaaray deegaanada maamulka Puntland, ayaa wasiirka Caafimaadka maamulkaas, Cali C/laahi Warsame, uu cod dheer kaga codsaday doowlada Soomaaliya in puntland qayb laga siiyo deeqaha ay doowlada Soomaaliya kasoo hesho beesha Caalamka.

“Deeqaha ay doowlada Soomaaliya ka hesho beesha Caalamka waa inaan qayb libaax leh ku yeelano hadaanu nahay Puntland” ayuu yiri wasiirka Caafimaadka.

Dhanka kale wasiirka Caafimadka Puntland, ayaa sheegay in kumanaan ruux oo kasoo barakacay Koofurta Soomaaliya ay ku noolyihiin deegaanada Puntland islamarkaasna ay taakuleeyaan iyaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here