Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay dad uu kujiro Axmed Godane

Maxkamadda ciidamada ee Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 12 qof oo uu ka mid yahay, hogaamiyaha Xarkada Alshabaab Axmed Cabdi Godane oo lagu eedeeyey inay fuliyeen falal aragagaxisanimo.

Dadka xukunka lagu riday ayaa lix ka mid ahi ka maqnaayeen goobta markii la xukumayey, waxaana lagu eedeeyey in ay ka qayb qaateen dilkii iyo abaabukiil  5tii December 2011 magaalada Boosaaso loogu gaystay Sheekh Axmed  C/raxmaan.

Guddoomiyaha Maxkmadda ciidanka Puntland Cabdifataax Xaaji Adam ayaa sheegay in maxkmaddu dhegaysatey dacwadda xeer ilaalinta, sidoo kale dhegaysatey qareemada difaacaya eedaysanayaasha, aragtey markhaantiyaha caddeynaya in dilkaan ay fuliyeen kooxda al-Shabaab ee 6 kamid ah gacanta lagu hayey baaritaan dheerna lagu sameeyey, waxaa cad in ay dileen Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, midkasta oo ka mid ah dadka la xukumaayona uu qayb ka qaatey, ha ahaato mid amarka bixiyey, mid soo ilaaliyey, mid fuliyey iyo mid qariyey.

Maxkamada Ciidamada qalbka sida ee Puntland ayaa dadka goob jooga ahaa ee ay dilka toogashada ku xukuntay waxaa lagu kala magacaabaa:

1- Axmed Maxamed Cali (Mustafe)
2-Maxamed Maxamuud Saacadoole (Abu-hureyra)
3-Maxamed Abshir Cartan
4-Cabdiraxmaan Maxamed Cali
5-Cabdiqani Nuur Maxamed (Qorane)
6-Ruqiyo Xassan Maxamed Yusuf

Sidoo kale qaar ka mid ah kuwa lagu eedeeyey dilka Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo goobta aan joogin ayaa maqnaanshaha lagu xukumey waxaana maxkmaddu ku ridey xukun dil ah markii la qabto kuwaas oo kala ah:

1-Hoggaamiyaha Xarakada al-Shabaab Axmed Cabdi Godane (Abu Zubeyr)
2-Xassan Jaamac Xasan Surato
3-Cismaan Cabdirisaaq Siciid (Khalid)
4-Mowliid Maxamed Adam
5-Cabdiraxmaan Axmed Shiikh Cumar (Ayaanle)
6-Cismaan Axmed Qaasim

Xukunka maxkamaddan ay riday ayaa ku soo aadaya dhowr tobaad ka dib markii nin hubaysan uu masaajid ku yaalla magaalda Garoowe ku dhex toogtay Sh.C/qaadir Nuur Faarax “Gacamey” oo ahaa wadaad magac ku lahaa Soomaalida dhexdeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here