Puntland oo DF iyo NATO eedeyn usoo jeedisay (Warsaxaafadeed)

IMG_2557Shirka golaha wasiiradda waxaa shir gudoominayey madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Camay, war-saxaafadeed ay soo saareen ayaa lagu sheegay in Puntland ay dagaal kula jirto kooxda Al-shabaab oo 14 March duulaan kusoo qaaday xeebaha Mudug iyo Nugaal.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inuusan jirin wax iskaashi ah oo ka dhexeeya Dowladda fadaraalka iyo dowladd goboleedyada,waxayna ku tilmaameen midaa ayaan daro jirta, ayna Al-shabaab u sahashay inay kusoo dulaan xeebaha Puntland.

Sidoo kale waxay walaac ka muujiyeen ciidamada Naato ee kusugan xeebaha Puntland oo aan ka qayb qaadanayn dagaalka ciidamada difaaca Puntland iyo kooxda duulaanka ah.

Puntland ayaa fariin udirtay dowladaha gacanta ka siiya dowaldda fadaraalka dagaalka ay kula jirto Al-shabaab ee kala ah IGAD, Jabuuti, Kenya, Ethiopia, Midowga Yurub iyo Maraykanka inay gacan ka siiyaan ciidamada difaacada Puntland dagaalka ay kula jiraan kooxda soo weerarta deegaano ka tirsan Puntland.

War-saxaafadeedka golaha wasiradda ayaa shacabka Puntland loogu baaqay inay udiyaar garoobaan dagaal furan oo dowladda iyo shacabku la galaan kooxda dulaanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here