Puntland oo cambaareysay weerarkii Muqdisho

War-qoraal ah oo ka soo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ay cambaareenayaan weerarkii shaley ka dhacay Muqdisho oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 30-qof halka 50-kalena ay ku dhaawacmeen.

Warka qoraalka ayaa lagu yiri “Puntland waxa ay si rasmi ah u cambaaraynaysaa weerarkii waxshinimo ee ururka argagixisada Al-shabaab uu maalintii shalay ku qaaday xarunta garsoorka ee Dawladda Federalka Somaliya ee magaalada Muqdisho.”

Maamulka iyo shacabka Puntland waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan ummadda Somaliyeed, gaar ahaan eheladii dadkii ku geeriyooday weerarkaas waxayna EBBE uga baryayaan inuu naxariisti janno ka waraabiyo inta dhaawaca ahna caafimaad degdeg ah siiyo.

Puntland waxay weerarkaas u aragtaa mid argagixiso isla markaasna looga gol leeyahay in lagu wiiqo jiritaanka iyo qaranimada Ummadda Somaliyeed.

Sidaa awgeed ayaa Dawladda Puntland waxay ugu baaqaysaa Shacabka Somaliyed in ay meel oga soo wada jeestaan sidii loo soo afjari lahaa, kooxaha argagixisada ah ee hortaagan nabadda,xasilonida iyo horumarka ummadda Somaliyeed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here