Puntland : Kooxaha aan Baacsaneyno Hdii ay Galaan Masaajid Waan Uga Daba Galeynaa

Taliska Ciidamada Puntland ee Magaalada Gaalkacyo ayaa shaaca ka qaaday in kooxaha amaan darida ka wada Puntland aan looga hari doonin Hadii ay galaan Masaajidyada.

Taliye ku xigeenka Booliiska Puntland Muxidiin Axmad Muuse ayaa warbaahinta u sheegay in Dadka ay baadi goobayaan ay ka daba gali doonaan meel kasta oo ay ku dhuumanayaan, isago shaaciayy xataa Masaajidyada inay ka soo saari doonaan.

Taliye ku xigeenka ayaa sheegay inay ogyihiin kooxaha ay raadinayaan ee Alshabaab ay ku sugan yihiin Meelaha Madarisooyinka ah iyo Masaajidyada, isagoo ku sheegay inay ku dhuumanayaan.

Waxa uu intaa ku daray in ruux fidna wada ah hadii uu Masaajid galo aan lagu dhaafeyn, maxaa yeelay ayuu sheegay in isaguba masjidka uu kusugayo ruux dukanayo oo uu irida masjidka ku khaarijiyo

masuulkaan ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in shacabka ku dhaqan waqooyiga Gaalkacyo looga baahanyahay in ay soo sheegaan cid kasta oo ay arkaan iyaga oo wax u dhimaya amaanka, si ay ciidamada amaanku u qabtaan.

Dhawaan ayay ahayd marki ciidamo ka socda Maamulka Puntland ay masaajid albaabada isugu dhufteen kadib marki ay ku eedeeyeen in ay ku dhuumaaleysanayaan alshabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here