Puntland iyo Galmudug oo qaadacay shirka Istanbul iyo Somaliland oo ka qeybgalee (Dhageyso)

Madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa galabta ku dhawaaqay in ay qaadaceen ka qeybalka Shirka Istanbul oo ay dowlada Turkiga ugu tala gashay in ay u qabato dhinacyada siyaasada Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Puntland, C/raxman Sheekh Maxamuud (Faroole) oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in ay ogaadeen in si qaldan ay dowlada Turkiga wax u wado isla markaana dadka ka qeybgalaya ay yihiin dad ajandayaal kala duwan wata.

Waxa kale oo uu sheegay in ay u arkaan Shirka Istanbul mid lagu maja xaabinayo barnaamijkii roadmap-ka iyo heshiisyadii Garowe, shirki Itoobiya iyo mabaadi,dii kale sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan jecelnahay inaan u sheegno Soomaalida iyo beesha caalamka in shirka Istanbul oo la filayey inuu yahay mid lagu qiimeynayo horumarka Roadmap laakin waxaa soo baxday si kale, sidaasi waxaan go,aansanay inaan tagin shirkaasi, waayo waxaan ogaanay inuu yahay barnaamij aanan Soomaali shaqo ku laheyn oo ay dowlada Turkiga wadato iyo qeybo ka mid ah dowlada TFG.” ayuu yiri Mr. Faroole.

Faroole ayaa sidoo kale sheegay in xitaa dowlada KMG Soomaaliya aysan wax badan kala socon shirkaasi oo ay qof walbaa leedahay aniga waxba kama ogi.

“Waxaa is fahmi la dowlada dhexdeeda wasiirka arimaha dibada iyo madaxweynaha oo labaduba ay leeyihiin arintaan barri baan ka nahay marka koleey wixi jira iyaga ayaa soo bixi doona,”

Dhageyso wareysiyada C/raxmaan Faroole iyo Maxamed Axmed Caalin iyo  ka qaybgalka madax ka socoto Somaliland

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2012/05/wareysiyo.mp3″]

Dhanka kale waxaa sidaasi si la mid ah u hadlay oo ku raacay Puntland, madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo cadeeyey inuu qaadacay shirka Turkiga.

“Isku fakar baan ka nahay waana isla qabnaa Puntland, sida aan qabno dowlada KMGF madaxdeeda kala duwan iyo siyaasiyiinta kale waa iska wareysanay marka dhamaanteen waxaan isku waafaqnay in shirka Turkiga aysan jirin cid wax ka og, marka maslaxada umada Soomaaliyeed sidaasi ayaan u aragnay waayo anagaba kuma qanacsani,”

Laakin Caalin waxa uu amaanayaa dowlada Turkiga oo uu ku sheegay dowlada walaal ah oo aysan wax ceeb ah ka sheeganeyn.
“Waxaan kuu cadeynayaa dowlada Turkiga waxaanan wanaag ka aheyn uma heyno Soomaali oo dhanna way jeceshahay marka anaga ma fahansani waxa lagala jeedo shirka Turkiga sida dadka kasoo qeybgalayo sida ay wax u socdaan,”

Hadaba hadii ay qaadaceen maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaa aqbalay ka qeybgalka Shirka Istanbul maamulka Somaliland oo hadal maanta kasoo baxay lagu sheegay in ay ka qeybgali doonaan.

Wasiirka warfaafinta iyo wacyi gelinta ayaa sheegay in ay ka qeybgali doonaan shirka xaga dhaqaalaha ee Turkiga balse aysan xaadiri doonin shirka kale ee siyaasada oo furmayo bilowga June.

Shirweynaha Istanbul ayaa ka furmayo magaalada Istanbul ee caasimada ganacsiga Turkiga 1-da bisha June ee soo aadan.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.