PSG oo laga sugaayo awood dheeraad ah 2014

Mulkiilaha PSG Nasser Al-Khelaifi
Mulkiilaha PSG Nasser Al-Khelaifi

Madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi ayaa sheegay in uu ku faraxsan heerka ay gaartay kooxdiisa sannadkan 2013-ka oo soo dhammaanaya, wuxuuu sheegay in uu rajo fiican ka lee yahay kooxda in ay halkaas ka sii xoogeesato ilaa sannadka 2014.

Kooxda ka dhisan magaalada ayaa ku guuleesatay markii ugu horreysay horiyaalka Ligue 1 19-sanno kaddib xilli cayaareedkii horre, waxaana hadda horiyaalka ay ku hoggaamineysa seddax dhibcood.

40-jirkan ayaa aaminsan in sannadka soo socda kooxda ay ka sii fiicnaan doonto heerka ay mareyso.

Kooxda ayaa bisha January la soo wareegeysa cayaartoy cusub waxaana ka mid ah xidigga qadka dhexe ee Newcastle United Yohan Cabaye iyo cayaaryahanka Real Madrid, Cristiano Ronaldo.

“Waxaan rabaa in aan idiin mahadcliyo sannadkan 2013, maxaa yeelay waxaan noqonay horiyaalka idinka mas’uul ka ah waana ay sii wadi doontaa Paris Saint-Germain taarikhdaas,” ayuu u sheegay Website-ka kooxda.

“Sannadka 2014, waxaan ku taameynaa in aan ka sii fiicnaanno halka aan iminka joogno’waxaan idiin rajeenayaa farxad ciidda Christmas.”ayuu markale yiri

PSG ayaa ku dhammeesatay hogganka horiyaalka Champions League group waxaana ay isku soo aadeen Bayer Leverkusen wareega 16-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here