PSG oo indhaha ku haysa Anthony Martial

nintchdbpict000285834590-e1480536967646
Kooxda haysata Horyaalka Faransiiska ee PSG ayaa markaan usoo jeesatay xidiga aan booska Joogtada ka haysan tababaraha reer Portugal ee Anthony Martial.

PSG ayaa dooneysa ineey xidigaan reer France ee horay ugu soo ciyaaray Monaco dib ugu soo celiso dalka Faransiiska.

Anthony Martian, ayaa xalay 2 Gool u dhaliyay United kulan katirsan Carling Cup-ka oo ay ka horjeedeen West-Ham.

PSG ayaa horay u dooneysay ineey xidigaan kala soo wareegto Monaco, kahor intii uusan United ugu biirin lacag dhan £36million sanadkii 2015.

Tababare Mourinho, ayaa isbuucii lasoo dhaafay u digay Xidigan inuu ilaashado Booskiisa, taasoo shaki galisay mustaqbalkiisa Old Traford.

By Rashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here