Professor Jawaari Iyo Xubno ka Socday Dalalka Deeq Bixiyeyaasha oo arin Muhiim ah isla Gaaray

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari ayaa muqdisho kulan kula qaatay wafdi ka socday xubno katirsan wadamada deeq bixiyaasha ee arimaha Somaliya sida gaarka ah udaneeya.

Deeq bixiyeyaasha yaa waxay ka kala socdeen midowga Yurub, Briatian, iyo Talyaaniga waxaana gudoomiye Jawaari ay kala hadleen sidii loo tayeen lahaa baarlamaanka Somalida.

Waxay sidoo kale soo hadal qaadeen wadamada deeq bixiyaasha in la taageero shacabka somaliyeed ee ku dhibaateysan dalka gudihiisa iyo kuwa beylaha ku ah xeryaha qaxootiga dalalka dariska ah.

Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari ayaa waxa uu sheegay in looga fadhiyo wadamada deeq bixiyaasha inay meel mariyaan kana soo baxaan  waxyaabaha ay ballan qaadeen.

Mashruuc lagu taageerayo baarlamaanka Somaliya iyo sidii loo tayeen lahaa ayey wadamada deeq bixiyaasha ka bilaabi doonaan bisha soo socoto ee december kaasi oo qaadan doono muddo 6 bilood ah.

Baarlamaanka Somalia ee iminka Shaqeeya Professor Jawaarina hogaanka uyahay ayaa waxa uu ku shaqeeyaa nidaam aan KMG ahayn iyadoo shaqooyinka ay qabtaana laga dhursugayo waxay kaga badalnaadaan kuwii hore.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here