Dhageyso Prof Yaxye Shiikh Caamir oo ka warbixiyay xaalada Badda Soomaaliya

Prof Yaxye Shiikh Caamir oo ka mid ah Aqoonyanada Soomaaliyeed ayaa mar uu u waramayey Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegey in Dowladda Norway uu kala Hadley arrimaha Badda Soomaaliya oo ku aadan Muran Dowladii tan ka Horeysey gelisey ka dib markii heshiis Isfaham la gashay Kenya, kaas oo markii dambe uu ka hor yimid Baarlamaankii ku meel Gaarka.

“Waxaan la kulmey Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway iyo nin la taliye ka ah Wasaaradaas waxaan weydiiyey Guuxa ku aadan in Norway ay ku lug leedahay arrimaha Badda Soomaaliya, waxayan ii sheegeen in aysan wax Lug ah ku lahayn arrimahaas” ayuu yiri Prof Yaxye Shiikh caamir oo intaa raaciyey:

“intii uu kulanka socdey waxay i tusiyeen Dukumenti aad uga hadlaya, waxayna i yiraahdeen waxaa loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ka faa’iideystaan,” Waxana uu yiri isagoo hadalkii sii wata “waxaa la yaab leh in Norway ay noo sheegtey in Badda Soomaaliya ay ku Muransan yihiin Dowladaha Kenya , Yaman iyo Tansaaniya , waxaan weydiiyey? Waaba garan in Kenya iyo Yaman ay Xuduud la leedahay Soomaaliya hase yeeshe Tansaaniya halkee naga soo gashey, waxay yiraahdeen: Tansaaniya waxay sheegeysaa baddiina dhankkeda kore in ay dadka ka dhaxayso oo laga kalluumaysan karo.”

Ugu Dambeyntii Prof Yaxye Shiikh Caamir waxaa uu sheegey in Badda Soomaaliya haddii lagu soo Xad gudbo ay Dhici doonto in Badda Buluuga ah ay isku Badeli Doonto Bad Gaduudan Xitaa haddi ay isku raacaan Shanta dalka ee waaweyn , Khilaaf kasta ha noo Dhaxeeyo, marnaba ma ogaalaaneyno in Badeenna Taako ka mid ah Baddeena in lagu soo xadgudbo.

Dhageysi wareysiga oo Prof Yaxye Caamir oo Dhameystiran

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/05/yaxyecaamirnorway.mp3″]

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. Sax ma ogolaadoono dhimashaan ka xignaa in dhulkeena la boobo,ha kacaano aqoonyahanada soomaaliyeed far kaliya fool ma dhaqdo prof yaxye waa dadaalay waxaana loo baahanyahay in aan loo kala harin leysku duubto leyskana dhiciyo wadamada dariska ah ee arkay in uu dhulkeena dayacmay dadki difaaci lahaana ay ayaga isku maqanyihiin fadlan qofwalbo oo soomaali ah wadaniyad ha muujiyo hadii aan dhexdeena isku maqanahay cadowne waa nagu maqanyahay.SOMALIA ha noolaato wixi dhib Wado oo dadkeyga kala fogeynaayane ilaahey ha inaga qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here