Prof. Xasan Sheekh oo noqday madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Prof. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa ururada Bulshada Rayidka ah ayaa noqday madaxweynaha Soomaaliya afarta sano ee soo aadan.

Inkastoo aanan wali natiijada lagu dhawaaqin, hadana wuxuu ku qaaday cod aqlabiyad leh oo uu kaga guuleystay ninki la tartamayey madaxweynihi hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axamed.

Xasan Sheekh wuxuu helay codad dhan 136 cod, halka Shariif uu helay codad ka yar 60.

Mar dhaw ayaa lagu wadaa inuu jeediyo, sidoo kalana ninka laga guuleystay Shariif Sheekh Axmed ayaa isna hadli doono.

Soomaaliya ayaa gashay waa cusub, iyadoo ka baxday kumeel gaar una guurtay dowlad cusub oo ay Soomaaliya leedahay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here