Prof. Xasan Sheekh Maxamuud oo noqday murashaxi ugu danbeeyey ee isu soo taaga xilka madaxweynaha Somalia

Gudoomiyaha Xisbiga Nabada iyo Hormarka ayaa maanta sibuuxda ugu dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada wadanka Soomaaliya.

Munaasabad balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen xisbiga Nabada iyo Hormarka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho taasi oo masuuliyiinta xisbiga ay sheegeen in uu u yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya Gudoomiyaha Xisbigaasi Pro. Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud Musharaxaan u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in wadanka uu u baahanyahay hogaan wanaagsan oo daacad ah si taasi loo gaarana loo baahanyahay dadaal badan.

Musharaxa u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay hadii la doorto uu helo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed in uu wax badan ka qaban doono xaalada wadanka u marayo.

Siyaasada Gudaha.

Wuxuu sheegay siyaasada gudaha in ay tahay mid tiirka ugu muhiimsan ay ku taagnaan karto dowlada Soomaaliyeed, oo hana qaada.

Wuxuu sidoo kale wuxuu sheegay in tiirkaan uu aas aas u yahay amaanka guud ee dalka, wuxuuna xusay in uu yahay udub dhexaadka dowlada nimada.

Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in xagjirnimada diineed iyo qabyaaladeed ee Soomaaliya ka jirta aysan meel ku lahayn soomaalida cusub ee hada la dhisayo.

Burcadbadeed.

Wuxuu sheegay burcadbadeeda ka jirta Soomaaliya in ay tahay musiibo qaran oo u baahan in si gaar ah loo xaliyo.

Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in ay xooga saari doonaan dhisida ciidamo tayo leh oo ilaaliya amaniga biyaha Soomaaliya.

Nabad Dhisiyada Soomaaliya.

Dalka ka soo baxaya burburka iyo colaada dowladnimo waxaa barnaamij u baahan waqti iyo si joogta ah, oo dhidaamsan looga howlgalo sidaa,si nabadu u noqoto, dhaqan qaybka ah hab nololeedka bulshada Soomaaliyeed” sidaa waxaa jiri xasan Sheekh maxamuud.

Sidoo kale wuxuu intaa ku daray dowlada uu hogaaminayo, in ay diirada saari doonto, qabsashada howlo fududaynkara in bulshadu ay dib isugu soo noqoto.

Kaabayaasha Nolosha.

Wuxuu sheegay hormarin iyo kor u qaadista nolosha iyo muwaadiniinta iyo qoyska Soomaaliyeed, inay tahay aas aas u yihiin qodobadaan.

A, Xirfad barida iyo shaqo abuurista.

B, Ilaalinta caafimaadka hooyada iyo dhalaanka.

C, ilaalinta deegaanka iyo fayo dhowrka.

Soomaaliland.

Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu balan qaaday hadii uu ku guuleesto madaxtimada Soomaaliya, in uu ku dadaali doono miudaynta dalka Soomaaliya, iyadoo loo marayo wado nabadeed.

Wuxuu sheegay wada hadalada u bilowday Soomaaliland iyo Soomaaliya in ay tahay fursad wayn oo u bilaabatay dadka iyo  wadanka Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in uu ku dadaalo doono in ay guuleestaan wadahadaladaasi.

 

 

 

1 COMMENT

  1. meeqa madaxwayne,ragaan xunkun doonka ah ama shaqo doonka.u soo bandhiga shacabka wixii hanti ah aad haysataan si la idiin aamino brina la idiinla xisaabtamo.

Comments are closed.