Prof. Samatar Muxuu xildhibaanimadiisa baarlamaanka isga casilay?

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu iska casilay xilkaas.

Prof. Samatar oo waraysi siiyay idaacadda VOA-da ayaa sheegay inuu warqaddii is-casilaadda u gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka federaalka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Wuxuu sheega inuu go’aansaday inuu is casilo markii uu wada-tashiyo la yeeshay dadkii uu ku matalayay baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana ay ka aqbaleen inuu booska banneeyo.

Samatar ayaa beeniyay warar sheegayay inuu wada-hadallo la leeyahay maamulka Somaliland oo uu xil-siyaasadeed ka doonayo, balse wuxuu sheegay inuu qorsheynayo inuu ku wajahan yahay magaalada Hargeysa.

War uu Prof. Samatar soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri ” Waxaan rajaynayaa inay Soomaalidu garawsato in madaxda iyo hoggaanka dalka lagu soo xulo laguna doorto aqoon iyo Khibrad ee aanu ka wada gudubno 4.5 iyo kala qub qubnaanta.”

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo Jaamacadda Macalester College ee Magaalada Saint Paul ee gobalka Minnesota ka dhiga Cilmiga Siyaasadda iyo Dhaqaalaha Adduunka ayaa ka mid ahaa musharraxiintii isu-taagtay xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya ee dhacday bishii September ee sanadkii hore.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here