Prof. Jurile oo ka tanasulay musharaxnimadiisa gudoomiyaha baarlamaanka

Xildhibaan C/risaaq Cismaan Jurille ayaa sheegay inuu ka tanasulay musharaxnimadiisa gudoomiyaha baarlamaanka, kadib kulan haatan baarlamaanka uga socdo Muqdisho.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa iminka dhageysanayo qorshayaasha musharaxiinta u taagan xilalka gudoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Gudoomiyaha baarlamaanka waxaa awal u taagnaa lix murashax, balse hada waxaa u tartamaya shan xildhibaan oo qura, ka gadaal marki uu ku dhawaaqay Jufrille inuu ka tanasulay.

Xildhibaankan ayaa sheegay inuu uga baxay sababo isaga quseeya, waxaana marki horaba soo baxayey inuu u galay arrimo siyaasadeed iyo kuwo uu ku mucaaradayey musharaxiinta qaar.

Waxaa haatan qudbad jeedinaya Prof Jawaari oo ah ninka ugu cad cad musharaxiinta, halka kuwa kalana iyaguna la sugayo.

Dhamaan musharaxiinta waxaa lagu wadaa in fadhiga baarlamaanka ee maanta kusoo gudbiyaan qorshayaashooda ku aadan waxqabadka iyo taariikhooda iyo waxa ay ka damacsanyihiin hadii lasoo doorto.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here