Prof Cali Maxamed Geedi oo Qudbad Tageero Jeediyay

Prof Cali Maxamed Geedi oo hore usoo noqday ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu maanta magaalada Muqdisho kala qeybgalay taageerayaasha madaxweyne Shariif munaasabad lagu taageerayaya musharaxnimadiisa isagoona halkaa kajeediyay qudbad dheer oo umuuqatay mid lagu sagootinayay musharaxiinta la tartameeso madaxweynaha.

“Waxa usheegayaa musharaxiinta kale ee ubadan qurba joogta dalkana kamaqnaa labaatanka sano iney kujiraan xiligi laqabsiga cimilada dalka Soomaaliya loona baahan yahay in talada loo dayao Madaxweynaha sharafta badan ee howsha qabyada dowladnimo qabyada utahay kuna guuleestay in dib usoo nooleeyo rajada umada Soomaaliyeed”

“Mudane Shariif waxa uu kuguuleestay inuu ka miro dhaliyo nabada maanta aan harsaneeno ee aan kufaraxsanahay umada soomaaliyeedna aan hubo iney nagula faraxsan yihiin”, ayuu yiri ra’isul wasaare Cali Maxamed Geedi oo kudheraaday kasheekeenta waxqabadka dowlada Sheekh Shariif iyo sida ula gudboon umada Soomalaiyeed in markale xilkaa kutaageeraan inuu sii daadihiyo madaxweyne Shariif.

Qudbada Cali Maxamed Geedi ayaa ubadneed mid siyaasadeesan oo isla markaana fariin u aheed Musharaxiinta kale hasa yeeshee qudbadaha madaxda jeedineesay ayaa waxa kasara marayay mashxarada shacab jadbeesan oo soo buux dhaafiyay howlka hotel City Plaz oo ay kasocoto xaflada lagutaageerayay Musharax Madaxweyne Shariif.

Bar baarta gashaaman ayaa waxey qeyb kayihiin dhoolatuska siyaasadeed ee taageerayaasha madaxweyne Shariif kawadaan howlka ay kasocoto xaflada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here