Prof. Axmed Samatar dooro waa Dr. Faroole Dooro

Prof. Axmed Samatar dooro waa Dr. Faroole Dooro

Dadka qabiilka wax ku qiimeeyaa waxaa laga yaabaa inay is weydiiyaan labadan nin ee cinwaaka ka muuqda isku qabiil maahee muxuu qoraaga uga jeedaa? qoraaga qabiil wax kuma qiimeeyo ee waxaa uu wax ku qiimeeyaa akhlaaqda iyo dabeecadda iyo asluubta iyo daacadnimo. Waxaa fiican in qofka lagu eedeeyo ficilkiisa iyo waxa afkiisa ka soo baxa oo keliya.

Haddii aad aragto qof qof ku eedeynayo qabiilkiisa ama sida ilaahay u buuray ama caafimaad darro qofkaasi heshay qofkaasi waa qaldan yahay waana daciif. Ma aragtay kuwa dhaha afweyne, beerlaawe, afguduud, sokorow qabaa, tb buu qabaa cagaarshoow aas qabaa, timahiisa adag sankiisa was weynyahay shuluq waaye.

Waxaad garankartaa in qofkaasi aqoonta iyo fahamka buurista ilaahay ku yar tahay. Waxaaba ka sii yaab badan inuusan qofkaasi garanayn wax uu dadkaas ka sheego hadii uu garan lahaa madaxweynayaashaas waxa ay faleen ama ay yiraahdeen intaas ayaa ku filnaan lahayd. Qofka waxa uu ku hadlo ama uu ficil ahaan u sameeyo ayaa lagu eedeyn karaa oo kleliya. Labadan nine e kor ku xusan UMA QALMAAN HOGAANKA SOOMAALIYA.

Haddaba Faroole iyo Axmed Samatar maxay isaga midyihiin?

1) Waa nima aanan garanayn saamaynta waxa afkooda ka soo baxa oo aan u fiirsan hadaladooda.

2) Waa niman afkooda cadow badan ku samaystay oo ayaga doortay in la necbaado.

3) Waa niman aan xishood iyo akhlaaq iyo asluub aan lahayn oo fadhi kudirirka jecel.

4) Waa niman aqoon sheegta ahadana aanan fahmi Karin Somali iyo beesha caalamkaba.

5) Waa niman ay dilootay islaweynin aan xikmad ku dhisnayn oo aanan awoodin inay raaligelin ka bixiyaan qaladaadka badan ee ka dhaca oo marwalba isla saxsan.

6) Haddii ay u imaadan dad shiraya ama meel fadhiya inay caayaan ayaa uga sahlan inay dadkaasi ixtiraamaan. Waxay aad u jecel yihiin madaxweynenimo fahamkeediina ma leh.

7) Faroole iyo Axmed Samatar waa rabshooleyaal midna Australiaa Police loogu yeeray midna USA policeka dalalkaasi report ayaa ka yaalaa.

8) Faroole dadka Soomaalida ee koofurta iyo Ogaden ka yimid ayuu argagixiso ku tilmaamay Axmed Samatarna Soomaalida USA ayuu ku tilmaamay dad aanan la aamini Karin oo dhalashada maraykanka u qaatay been been iyo dad aan lagu kalsoonaani Karin hadal kaas oo xataa caruurta saameyn ku yeeshay

9) Faroole iyo Axmed Samatar labaduba waxay rabeen inay madaxweyne noqdaan 2012 laakiin hadda waa quusteen oo dad yaqaan sida wanaagsan ee dadka loola hadlo weliba fahmi kara Soomaalida iyo beesha caalamka ayaa meesha soo galay sida Skiikh Shariif iyo Cadoow iyo kuwo kale oo badan. Xirfadda dad la dhaqanka labadan nin hibo uma leh iskuulkana kuma soo dhigan waa xirfad gaar ah.

Faroole iyo Axmed Samatar weli ma maqal heesta Samatar ee:

Aaminay xusuusnow
Hadal wuxuu ammaan yahay
Inta aadan oranninee
Afka haduu ka soo baxo
Adiga uma adeegtidee!

Prof. Geedi Yabaroow Yalaxoow
geediyalaxoow@yahoo.com

2 COMMENTS

  1. Asc wamaxay waxa ayana fahmayin samtar iyo farole u fahmayo sharif masida cambulada locunaa? ilayn ragani mayaqanaan sm is called past hawiye in qoray tao mahorday meseh u heesayey warkafirso anagu hadan ahanlahaa adiga qalyar,sudiyalxow farmajo bancyilay

  2. a.s.c horta hawiye cabasho badnaa xitaa haday madaxweyne yihiin wey cabanayaan ma aragteen daarood ka cabanaya wixii dhib loo gaystay hadaydaan faroole rabin oo uu dhib idinku hayo ka goosta si aad u nabad gashaan i jiid aan ku jiido waa gacmo daalis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here