Pirlo oo ku kalsoon Conte in la joogayo Juventus

Xidigga qadka dhexe ee kooxda Juventus Andrea Pirlo ayaa sheegay in uu ku kal soon yahay macalin Antonio Conte in uu sii joogi doono kooxda.

Conte ayaa lala xiriiriyay kooxaha Chelsea iyo Real Madrid.

“Waxan rajenyneynaa in uu joogo kooxda, maxaa yeelay aad ayaa halkan looga jecelyahay oo hadda meel fiican ayaan joognaa,” ayuu yiri Pirlo.

“Kooxda oo dhan ayaa jecel macalin Conte, waxaana aan filaynaa in uu halkan nala joogo.”

Si kastaba, ciyaaryahankii horre kooxda AC-Milan ayaa xiddig muhiim u ah kooxda Juventus oo hadda hogaanka horiyaalka Talyaaniga iyo koobka kooxaha qaaradda Yurub meel fiican kaga jira.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here