Pirlo oo ka fikiraya in uu cayaaraha ka fadhiisto

Pirlo oo ka fikiraya in uu cayaaraha ka fadhiisto
Pirlo oo ka fikiraya in uu cayaaraha ka fadhiisto

Kubad sameeyaha kooxda Juventus Andrea Pirlo ayaa sheegay in weli uusan go’aan ka gaarin cayaaraha in uu ka fadhiisto balse wuxuu muujiyay in la soo gaaray xilligii uu cayaaraha ka fadhiisan lahaa.

Cayaaryahanka qaranka Talyaaniga, ayaa bisha May da’diisa waxa ay noqon doontaa 35-jir, waxaana bisha January uu saxiixay labo sanno oo dheeri ah oo uu la sii joogi doono Bianconeri.

“Ilaa hadda ma bixin karo waqti cayiman oo ku aadan xilliga aan cayaaraha ka fadhiisanaayo balse waxaan xaqiijinayaa in muddo dheer aaan sii joogi doono,” Pirlo ayaa siddaas u sheegay wargeyska Gazzetta dello Sport.

Pirlo waa xiddig lafdhabar u ah kooxda Juventus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here