Pique: Waxaan jeclaan lahaa Pepe in nalooga keeno Madrid

Ciyaaryahanka rer  Spain, ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa mid ka mid ah xidiggaha difaaca dhexe ee u ciyaara kooxda qaranka ee Portugal la keeno garoonka Camp Nou .

Gerard Pique ayaa sheegay uu jeclaan mid kood Pepe, Sergio Ramos  ama Raphael Varane  in loo wareejiyo kooxda Barcelona .

Ciyaaryahanadan ayaa u ciyaara kooxda Real Madrid  isagoona intaas ku daray kooxda Blaugrana  in ay u baahan tahay in laga xoojiyo dhinaca difaaca.

Ciyaaryahanka qadka dhexe Barca,  Sergio Busquets ayaa dhawaan shaaciyay in  Ramos ay fiicanaan lahayd in la keeno Camp Nou , si uu uga garab ciyaaro side Pique.

Sidoo kale wuxuu sheegay in muhiim yahay  Pepe.

“Haddii la i oran lahaa  Madrid xidiggaha u ciyaara mid kala soo saxiixo oo keen Barcelona? waxaan dhihi lahaa  O Pepe, Ramos ama Varane,” Pique ayaa sidaas u sheegay wargeyska Marca. ee ka soo baxa dalka Spain.

Labada koox ee Barca iyo Madrid ee ka dhisan dalka Spain, ayaa midba mida kale isku dhaggan oo waxaa ka dhexeeya tartar xooggan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here