Pique: “Messi waxa uu kayimid Caalam kale C.ronaldana dadka ayuu kasoo dhexbaxay”

Daafaca dhexe ee kooxda Barcelona iyo xulka Spain Gerard Pique ayaa mar uu kahadlayay cida mudan in lasiiyo xidiga ugu fiican dunida sanadka 2012 ayaa waxa uu sheegay in isaga uu ixtiraamayo dadka qabo in C.ronaldo uu yahay xidiga ugu wanaagsan caalamka laakiin Messi uu yahay kan kamudan islamarkaasna aanan lays bar bar dhigi Karin.

Pique waxa uu yiri “Waan ixtiraamayaa dadka qaba in C.ronaldo uu yahay laacib weyn uuna mudanyahay in lasiiyo kubadda dahabka, laakiin aniga waxaan lanoolahay Messi waana laacib ka duwan. Ronaldo waa lacib Qatar ah dhibkiisana wato, Messi waxa uu kayimid aduunyo kale, Ronaldana dadka ayuu kasoo dhex baxay, balse marka loo fiiriyo Messi lalama bar bar dhigi karo”.

Gerard Pique waxa uu sheegay inuu aad ugu faano inuu ka garab ciyaaro Messi, waxana uuna sheegay in mustaqbalka ilmihiisa iyo dadka kaleba uu ugu faani doono inuu Messi lasoo ciyaaray.

Mar uu kahadlayay mustqabalkiisa Pique waxa uu sheegay in hiwaayadiisa kubadda cagta uu kusoo afjari doono garoonka Camp New.

Pique, waxa uu sheegay inuu jecelyahay inuu noqda madaxa Barcelona marka uu ciyaaraha isaga fariisto, waxa uu sheegay inuu aad ujecelyahay dhanka dhaqalaha uuna aad ujeclaa tan iyo markii uu yaraa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here