Petr Cech oo kordhiyey qandaraaka Chelsea

Gool ilaaliyaha kooxda Chelsea Petr Cech ayaa go,aansaday inuu mudo dheer sii joogo London kadib marki uu saxiixay qanadaraas cusub oo afar sana ah.

Ninkani oo ah 30 jir ka tirsanaa Chelsea tan iyo sanadki 2004 ayaa u saftay kooxda 369 kulan, waxana haatan u diyaar u yahay inuu sii joogo ilaa 2016-ka.

“Xaqiiqdii aad ayaan ugu faraxsanahay in aan qeyb ka ahaado kooxdan aadka u weyn afar sano oo kale, waxaan rajeynayaa in afarta sano ee soo aadan ay noo ahaato mid guulo xambaarsan sidi sideedi sano ee lasoo dhaafayba aan u huuleysanay,” ayuu yiri goolwalahan u dhashay dalka Jamhuuriyada Jeeg.

Cech, ayaa ah xubin muhiim ah oo ka tirsan kooxda, waxa uu ka caawiyey hanashada horyaalka Ingiriiska oo laba jeer ah, afar FA Cup, laba Carling Cup iyo koobka UEFA Champions League.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.