Petr Cech: Halaga daayo eedeeda badan tababare Rafa Benitez

Goolhayaha kooxda Chelsea Petr Cech ayaa difaacay Rafa Benitez , kaddib markii la sheegay macalinkan reer Spain in la ceyrin doono.

Qaar ka mid ah saraakiisha sar-sare iyo ciyaartoyda kooxda Chelsea ayaa cod dheer ku sheegay in la ceyriyo Benitez oo waayahan guul daro isku raaday.

Cech ayaa laga soo xigtay isagoo leh waa in qof walba uu badalaa fikirka in la ceyriyo macalin Benitez.

” Qof walba waa in uu isbaal ku sameeyaa fikirka iyo walaaca uu qabo,” ayuu u sheegay xidiggan reer Czech Republic wariyaasha mar uu la hadlay.

“Waa in aan si wayn u taageero macalinkeena oo uu qof walba u mahadcelino naga mid ah waa in uu maskaxda ufuro tababaraha.

Kooxda Blues ayaa durba daboolka ka qaaday baahida ay uqabto tababare, waxaana tababarayaasha la magacaabay ka mid ah tababarayaashii hore ee kooxda Roberto Di Matteo iyo Jose Mourinho.

Cech ayaa sheegay in koox West Brom guul ka gaareen horiyaalka Ingiriiska waxana uu sheegay in loo baahan yahay in tixgalin la siiyo macalin Benitez.
Macalinka kooxda Manchester United oo sheegay in heshiiska Rio Ferdinand kula joogo kooxda la kordhin doono

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here