Perez oo sharaxay waxyaabaha kooxdiisa u sahlay ku guuleeysiga Horyaalka & Champion League

Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaana go’aansaday inuu ammaano tababare Zidane maadaama uu ku riyaaqo xirfad tababarenimo oo guulo ah.

“Zinedine Zidane waa shaqsiga ay tahay inay u mahadcelinayaan dhammaanba taageereyaasha kooxda Real Madrid, wuxuu kooxdaan u qaaday heer kale 2001dii markii uu ciyaaryahanka ahaa, hadana wuxuu u qaaday heer kale isagoo tababare ah,” Florentino Perez ayaa sidaasi u sheegay saxaafadda.

“Zinedine Zidane wuxuu halkaan joogaa 17 bilood isagoo tababare ah, wuxuuna mudadaas qabtay wax walba oo ay kooxdu u baahneyd. Dhammaanteen waan ku faraxsanahay inaan guuleynay una ciyaarnay si wanaagsan. Ma aqaano halkii aan ammaanta ka bilaabi lahaa, ciyaartoyda, tababaraha, taageereyaasha iyo weliba habka ay u dhaqmeen jamaahiirta Juventus. Wuxuuna ahaa kulan aad u wanaagsan”.

Ronaldo ayaa qaab ciyaareed wanaagsan ku jira, wuxuuna kooxdiisa ka caawiyey inay finalka qaado xilli uu laba gool dhaliyey, taas waxaa sii dheer inay u badan tahay in loo boqro abaalmarinta Ballon d’Or ka dib wixii uu sameeyey xilli ciyaareedkaan 2016 illaa 2017.

“Ma jiro shaqsi u qalma Ballon d’Or in ka badan Cristiano Ronaldo,” Perez ayaa sidaasi u sheegay saxaafadda.

Markii wax laga weydiiyey sababta uu tababare Zidane u diiday inuu mustaqbalkiisa saxaafadda ugala hadlo, Perez wuxuu sharraxaad ku bixiyey: “Wuxuu ii sheegay inuu nafsaddiisa xor u yahay uuna doonayo inuu cadaadiska ku hoos noolaado, marka arrimaha qandaraaska maankaba kuma hayo. Wuxuuna ii sheegay in uusan waxba illaa hadda ku guuleysan.

“Ka dibna koob kasta ayuu qaaday, waan la hadli doonaa Zidane, sababtoo ah waa hogaamiye dabiici ah, mana jiri doonaan wax dhibaato ah oo ka dhex dhalata maamulka Real Madrid iyo Zidane.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here