Pepe oo laga yaabo in la ganaaxo 3 kulan

Pepe oo laga yaabo in la ganaaxo 3 kulan
Pepe oo laga yaabo in la ganaaxo 3 kulan

Difaaca xulka Portugal Pepe ayaa laga yabaa in la ganaaxo seddax kulan kaddib markii laga saaray intii ay socotay cayaartii xaley dhexmartay xulalka Portugal iyo Germany.

Cayaaryahanka kooxda Real Madrid ayaa qalad ku galay mid ka mid ah cayaartoyda kooxda Germany cayaartii xaley waxaana dhacday in laga saaro cayaarta markii loo taagay kaarka casaanka ah.

Sidda ay lee yihiin wariyaasha fallanqeeya cayaaraha adduunka, cayaaryahanka ayaa laga yaabaa in uu seego seddax kulan oo ka tirsan cayaaraha soo socda, taasna waa dhabar hor leh oo la soo daristay kooxda.

Si kastaba, kooxda Portugal ayaa xaley afka ciidda loo daray waxaana laga dhaliyay afar gool, taasna waxay muujineysaa in Germany ay tahay koox awood cudud leh.

Pepe ayaa ka mid ah xiddigaha lafdhabarka kooxda Potugal oo kulankii ugu horeeyay laga adkaaday.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here